Canshuur dhaafka uu joojiyey Madaxweyne Deni oo saamayn ku yeelan doonta ganacsatada Jaadka

Madaxweynaha cusub ee Dawlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa joojiyey dhamaan casnhuur dhaafyadii iyo canshuur dhimistii ay samayn jirtay Wasaaradda Maaliyadu, wuxuuna amray inaan la samayn karin wax casnhuur dhaafa.

Sida ay ogaatay warbaahinta PUNTLAND POST arintan ayaa saamayn weyn ku yeelan doonta ganacsatada qaadka iibisa oo horay loogu samayn jirey casnhuur dhamis dhan 60%, waxaana muuqata wixii maanta ka danbeeya in qaadka la canshuuri doono 100%, waxaana la filayaa inay arintani saamayn weyn ku yeelan doonto ganacsatada qaadka iibisa.

Maanta dumarka qaadka ka ganacsada ayaa magaalada Garowe ka sameeyey mudaharaad ay kaga cabanayaan wareegtadan uu madaxweynuhu ku joojiyey canshuur dhimistii loo samayn jirey qaadka, waxaana la filayaa inuu si aada qaadku kor ugu kaco degaanada Puntland.

Xukuumadii horre ee madaxweyne Gaas ayaa canshuur dhimis u samaysay ganacsi gaara oo qaadku kamid yahay, sidoo kale waxaa canshuur dhaaf loo samayn jirey wax kasta oo ay la yimaadaan hay’adaha Dawlada, NGO-yada maxaliga iyo kuwa caalamiga, taas oo sababi jirtey dakhli fara badan oo khasnadaha Dawlada ka baaqda.

PUNTLAND POST