Warqad Furan: Talo iyo Tusaale Madaxweynaha la doortay ee Puntland, 2019.

Mudane Madaxweyne,

Marka hore, waxaan hambalyo u dirayaa shacabka Soomaaliyeed ee Reer Puntland dhalashada dowladda cusub, adiga iyo Madaxweyne ku-xigeenkaaga Md. Madaxweyne Axmed Cilmi Cismaan. Sidoo kale waxaan hambalyo iyo amaan u dirayaa Madaxweynaha xilka ka-dagaya Md. Madaxweyne Cabduweli Maxamed Cali iyo dowladiisa oo suuragaliyey inay qabsoonto doorasho si amni ah u dhacday oo soo jiidatay indhaha Soomaalida iyo kuwa caalamka. Hambalyo.

Waxaad tahay qof xog ogaal ah oo aan u baahnayn in looga waramo sooyaalka dalka Puntland, wixii la soo maray, halka loo socdo iyo guud ahaan khataraha ku hareeraysan dalka iyo gaar ahaan siyaasadiisa oo ay ugu horeeyaan duruufaha dhaqaale, amniga, qaybo ka mid ah shacabkeena oo Puntland yara saluugsan, siyaasada guud ee Soomaaliya iyo isbadalka dhacay Gobolka Geeska Afrika.

Haddaba, waxaan halkaan kusoo koobayaa dhowr arrimood (Key issues to be addressed) oo aan kugula talinayo inaad xooga saartid si dowladaadu u guulaysato, dalku u xasilo maamulkuna u wacnaado. Kama hadli doono arrimaha iyo adeegyada muhiimka ah ee ay dadweynuhu gacanta ku hayaan:

  1. Amniga: Inaad dib-u-eegis deg deg ah ku samaysid Hay’adaha Amniga Puntland oo ciidamada dalka loo diyaariyo hanaan ciidan oo caaqibo leh, kuwaas oo ka madaxbanaan siyaasadda iyo qabiilka labadaba. Puntland waxay u baahantahay in ciidamadeeda Daraawiishta, Booliska iyo Nabad-sugida boorka laga jafo, la tayeeyo, laguna qalabeeyo hub iyo qalab ay dowladu leedadahay si ay uga adkaadaan amniga gudaha iyo difaaca dalka. Haddii ay dowladu dhisto ciidamo dowladeed oo loo dhanyahay waxaa si fudud looga maarmi doonaa ciidamada ku dhisan habka beelaha, waxaa la aamini doonaa ciidanka dowlada, dowladuna waxay si fudud ula wareegi kartaa hubka ku jira gacanta dadweynaha (disarmament).

 

  1. Arrimaha SSC: Waxaan ku talinayaa in dowladu ay xil gaar ah iska saarto sugida soohdimaha dastuuriga ah ee Puntland. Muddo 12 sano ah ayey dadkaasi cadiban yihiin. Sow Madaxweyne Ku-xigeenka uma xilsaari kartid inuu ka shaqeeyo arrimaha Gobolada SSC? Iyadoo dowladu taakulaynayso calaf iyo ciidanba, muddana (waqti) loo qabanayo. Wixii arrimo farsamo ama bulsho la xiriira waxaan rumaysanahay in dowladu kaashato cuqaasha Gobolka, Culimada, Aqoonyahanka, Ganacsatada SSC iyo Siyaasiyiinta miisaanka leh ee Gobolkaas ka soo jeeda.
  2. Dhaqaalaha: Madaxweyne, waxaan ku talinayaa in dakhliga dowlada kor loo qaado sida ugu wanaagsan ee loo horumarin karo canshuuraha dalka. Arrimaha xasaasiga ah waxaa ka mid ah kharashaad aan muhiim ahayn oo dowladu isticmaasho iyo musuqmaasuqa oo noqday wax iska caadi ah oo Hay’adaha dowladu dhiigoodu la shaqeeyo. Si ay dowladu isku kabto waxaan ku talinayaa in arrintaan il-gaara lagu eego. Intaas kuma koobna ee waxaa lagaa sugayaa dhiirigalinta maalgashiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dhalinyarada.

 

  1. Horumarinta Dowladaha Hoose: Madaxweyne, Puntland waxaa ku midoobay 20 degmo oo ah kuwii ay ka dhacday dowladii hore ee dhexe ee Milateriga ahayd (pre-1991 districts), badankoodu waxay leeyihiin goleyaal deegaan; kuwo si dhab ah u shaqeeya iyo kuwo u baahan in la carbiyo lagana shaqaysiiyo. Haddaba, waxaan ku talinayaa in la tayeeyo maamulka degmooyinka dowladuna maamulka daadajiso (decentralization) si adeega dadweynuhu u hirgalo isla xisaabtankuna u fududaado. Waxaan soo jeedinayaa in maamulka heer Gobol laga maarmo oo loo gudbo in maamulka heer degmo ee Goleyaasha Deegaanku ugu sareeyaan la qaato (County System) si la mid ah nidaamka maamul daadajineed ee ay dowlada Kenya qaadatay. 20 Degmo oo is maamula, canshuur qaada, adeeg bixin kara oo mid waliba ay si toos ah u hoos timaado Wasaarada Arrimaha Gudaha. Waxaa xisaabta iigu jira sidee laga yeelayaa Degmooyinka tirada badan ee ay Puntland magacowday? Jawaabtu waa ii fududahay; kuwaas waxaa loo aqoonsan doonaa Degmo Hoosaad (Sub-district) ma yeelanayaan Gole Deegaan oo waxaa xukumaya Golaha Deegaanka ee Degmadii hore, Tusaale ahaan Carmo waxaa xukumaya Golaha Deegaanka Boosaaso, Godob-jiiraan waxaa xukumaysa Eyl, Xarfo-na Gaalkacyo.

 

  1. Doorashooyin Dadweyne: Madaxweyne, labo dowladood oo kaa horeeyey kuma guulaysan inay hirgaliyaan in shacabku wax doortaan. Waxaan kusoo jeedinayaa inaad waqti hore bilowdo waxaanna kuu nasiib wanaag ah in Guddigii Doorashooyinka uu dhisanyahay.
  2. Arrimaha Federalka: Waxaan rumaysanahay inaad aad uga dharagsantahay waxa ay salka ku hayaan arrimaha xasaasiga ah ee u dhexeeya Dowladaha Federal-ka iyo Dowlada Dhexe (Awoodaha, Arrimaha Dastuurka, Kheyraadka, Dhisida Ciidanka Qaranka), Puntland waxay kaa rabtaa inay kaalinteeda iyo miisaakeedaba yeelato adiga oo xisaabta ku darsanaya inay Puntland fursado badan uga lumeen khilaafyadii la soo maray.

 

  1. Doorashooyinka Qaranka ee 2020: Madaxweyne waxaan ku xasuusinayaa in doorashooyinka 2020 ay howshooda wataan. Puntland iyo DFS waxay 2012-kii Garowe ku saxiixeen inaan hanaanka 4.5 dib loogu laaban doonin, mar kale 2016-kii ayey haddana kala saxiixdeen. Haddii xataa la gaari waayo doorasho dadweyne waa in la helaa qaab kale oo deegaan ku salaysan oo looga gudbi karo hanaanka beelaha ee 4.5. Heshiisyada lakala saxiixday waxaa markhaati ka ahaa Beesha Caalamka oo ay ku jiraan kuwo damaanad qaaday in heshiisku fulo.
  2. Dhulka: Madaxweyne dhulka Puntland gabi ahaanba wuxuu u cabiranyahay shacabka, deegaankii waa lagu ciyaaray, meel walba waxaa laga dhisay tuulo iyo waab. Waxaan ku talinayaa in dowladaadu xooga saarto in dhulku gacanta dowlada kusoo laabto.

Qodobada aanan ka hadlin ee muhiimka ah sida guud ahaan adeegyada bulshada, waxaa gacanta ku haya dadweynaha, dowladaada waxaa laga rabaa inay dhiiri galiso in si tayo leh loo maalgaliyo dalka gaar ahaan caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo ganacsiga balaaran ee horseedi kara shaqo abuurka. Qodobada aanan ka hadlin macnuhu maahan in dowladu gacmaha ka laabato ee waxaan ku fakaray in amniga iyo dowladnimoda salka loo dhigo marka hore.

 

Mahadsanid

Rooble Dahir

roble.dahir@gmail.com