Maxaa Sababay in Xoghayaha Difaaca Britain uu Baajiyo Safar uu ku imaan lahaa Xamar?

Muqdisho (PP) ─ Wargeyska The Independent ee kasoo baxa Britain, kana mid ah wargeysyada ugu afka dheer dalkaas ayaa qoray warbixin ku addan in Xoghaayaha Dfaaca dalka Britain uu baajiyay booqasho uu ku imaan lahaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Xoghaaya Difaaca Britain, Gavin Williamson ayaa todobaadkii tagay wuxuu booqasho aan lasii shaacin ku tagay Magaalada Hargaysa ee Somaliland oo sheegta inay ka go’day Somalia inteeda kale, wuxuuna halkaas kula kulmay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu kala hadlay arrimo badan.

Sidoo kale, Gavin ayaa Wargeyska The Independent wuxuu baahiyay inuu doonayay markii hore in booqasho uu k tago Muqdisho balse uu safarkiisa u weeciyay Somaliland, wuxuu sababta uu sidaas u sameeyya ku sheegay inay salka ku hayso ceyrinta ergayga QM ee Somalia, Nicholas Heysom oo DF ay ka carisay dalka, markii ay ku eedeysay fara-gelin.

Xukuumadda Faransiiska, ayaa iyadu kol sii horreysay ka hadashay inay ka xuntahay ceyrinta Heysom, balse Britain weli wax war ah kama aysan soo saarin, Inkastoo dadka siyaasada ka faallooda ay booqashada Xoghayaha Difaaca Birtain ku tagay Hargaysa  ku micneenayaan in wax xoogaa aysan ku faraxsanayen go’aanka Dowladda Somalia ee lagu ceyriyay Heysom.

Dhanka kale, Illaa hadda Dowladda Britain kama hadlin in Xoghayahooda Difaaca uu markii hore doonyay inuu Muqdisho ka dago iyo in socdaalkiisu uu ahaa halka uu tagay ee Somaliland.

Ugu dambeyn, Qaramada Midoobay ayaa aqbashay inay ergay cusub u soo magacowdao Somalia, iyadoo xubno ka hadlay tallaabada DF ay sheegeen in ay tahay tallaabo sumcad u horseedaysa Dowladda Somalia, balse ay jiraan caqabado ay dabada ku wadato.

PUNTLAND POST