Madaxweyne Deni oo Dhaqaaje su’aalo ka weydiiyay kharashaadka dowladda

Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland, Siciid Cabdulalahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiinta sare ee wasaaradda maaliyadda Puntland.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha maaliyadda Puntland,gaar ahaanna ilaalinta karashaadka dowladda ee xilligan kala-guurka ah oo ay is-beddelayaan madaxda u sarraysa Puntland.

Wararku waxay sheegayaan, in wasiirka maaliyadda intii kulanku socday wax laga weydiiyay in uu dhaqan-gelay amarkii madaxweynaha cusub ku xannibay dhammaan kharashaadka dowladda ee ku kaydsan bangiga dhexe iyo xawaaladaha gaarka loo leeyahay.

PUNTLAND POST