Guddi Sare oo ka shaqeyn doona soo celinta Hantida Qaranka oo Maanta la Magacaabay


Muqdisho (PP) ─
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia, Xasan Cali Khayre, ayaa magacaabay Guddiga Badbaadinta iyo soo celinta Hantida Qaranka Soomaaliyeed.

Guddigaan ayaa ka kooban 11-xubnood oo sideed ka mid ah ay ka mid yihiin Golaha Wasiirada Somalia, waxaana sidoo kale ka mid ah Duqa Muqdisho, Hanti-dhowraha Qaranka iyo Xeer-ilaaliyaha Qaranka.

Guddigaan ayaa waxay ka shaqeyn doonaan soo celinta Hantida Qaranka iyo meelaha loo baahan yahay in laga billaabo.

Dhanka kale, Guddigaan ayaa la faray inay joojiyaan ibinta iyo bixinta dhulalka dowladda, soo tirakoobida Hantida Wasaaradaha, Hay’adaha hoos yimaada iyo Xafiisyada Madaxa-banaan ee Dastuuriga ah ay leeyihiin.

Haddaba, AKHRISO; Wareegtada RW Somalia uu ku magacaabay Guddigan;

PUNTLAND POST