Ciidamada Jubaland oo amar lagu siiyay dagaal ka dhan ah Al-shabaab

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa saaka khudbad u jeediyay Ciidamado ka tirsan Jubaland oo u diyaar garoobaya howlgal Al-shabaab looga saarayo gobolkaJubbada Dhexe.

Ciidamada uu madaxweynuhu khudbadda u jeediyay waxaa kamid ah kuwa ka howlgalayay aagga degmada Afmadow ee gobolka Jubada hoose oo madaxweynuhu sheegay in shaqo wanaagsan ay qabteen Al-shabaabna u diideen in ay degaanka soo holiyaan, wuxuuna ku ammaanay hawshaasi ay qabteen.

Mudane Axmed Madoobe ayaa intaasi ku daray in degmada Afmadow  isbadal lagu samayanayo oo Maamul Ra’yid ah loo dhisayo iyadoo ciidamadii halkaasi fadhiyayna ay hawlgallo u tegi doonan degaanno kale oo Al-shabaab gacanta ku hayso.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Ciidamada Jubbaland oo dhan ay howlgalkan fulinayaan ayna u diyaarsan yihiin iyadoo si wadajir ah loo bilaabaya howlgalo qorshaysan oo malayshiyaadka lagu qaadayo,si shacabka ay dhibaatada ku hayaan looga kiciyo.

Sidoo kale Xarun Cusub oo tababar ayuu sheegay in la hirgalinayo inta uu howlgalkan socdo iyadoo dib u habayn iyo qaabayn lagu samayn doono dhamaan Ciidamada ku jira dagaalka Al-shabaab lagu qaadayo.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in dhinacyo badan laga fulin doono hawlgallada ka dhanka ah Alshabaab sida degaannada Xeebaha ku teedsan iyo gobolka Jubada dhexe oo haatan ku jira gacanta Al-shabaab.

PUNTLAND POST