Qaramada Midoobay oo Shaaca ka Qaadday inay Beddelayso Wakiilkeedii Soomaaliya

Muqdisho (PP) ─ Qaramada Midoobay oo sheegtay inay bedelayso ergaygii hore ee Soomaaliya, kaddib markii Dowladda Somalia ay cayrisay ergaygii QM ee Somalia uga wakiilka ahaa ee Nicholas Haysom.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Xoghayaha Guud ee QM ayaa lagu sheegay in xoghayaha guud uu dhawaan u soo magacaabi doono Somalia wakiil cusub oo badali doono Danjire Haysom.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Antonio Guterres ayaa aqbalay Go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya dalka uga ceyrisay Wakiilkoodii u joogay Soomaaliya ee Nicholas Haysom.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay ka xun yihiin falkii ay Dowladda Federaalka Somalia ku eriday Ergayga, balse uu icholas Haysom yahay shaqi ay ku kalsoon yihiin oo khibrad leh.

War-saxaafadeedka QM ayaa waxaa lagu sheegay in go’aanka dowladda ay u jartay wakiilkoodii Somalia u joogay ee ah (Persona Non Grata) uusan qaban hay’adaha QM, sidoo kalena loo isticmaali karin sida uu qabo heshiiska dublamaasiyadeed ee Vienna.

Qoraalka kasoo baxay Xoghayaha Guud ee Qaramada, Antonio Guterres oo aad u dheeraa ayaa lagu xusay in QM sii wadi doonto Taageeraada dadka Soomaaliyeed, si dhibaatooyinka ay muddada lasoo daalaa-dhacayeen ay uga bixi lahaayeen.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somalia Axmed Ciise Cawad oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ergaygii QM ee ay eryeen uu dhawr jeer ku kacay xad-gudubyo ka dhan ah Dowladda Soomaaliya, iyagujna ay u dul-qaadan waayeen falalkaas ka baxan hannaanka dublamaasiyadeed ee Dunida.

Ugu dambeyn, Si kastaba go’aankii Dowladda Somalia ay o1-dii bishan dalka uga eriday Wakiilkii Qaramada Midoobay ee Somalia ayaa dad badan is-weydiinayeen waxa ka dhalan kara halka kuwo kale ay taageereen.

PUNTLAND POST