MAREYKANKA: Waxaan qorsheynaynaa inaan ciidamadeeda kala baxo gudaha Soomaaliya

Washington (PP) ─ Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qorsheynaya in uu joojiyo dhaq-dhaqaaqyada ciidamada Mareykanka ay ka wadaan gudaha Somaila, kuwaasoo ay kula dagaalamayaan Al-shabaab, isla markaana ay kala bixi doonaan ciidamadooda Somalia, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ku dhaw Aqalka Cad.

Laba sarkaal oo ka mid ah maamulka sare ee Aqalka Cad ayaa Warbaahinta la wadaagay in Mareykanku uu ka fikirayo sidii uu ciidamada ka joogo dalka Somalia kala soo bixi lahaa, sidaa si la mid ahna uu u dhimi lahaa duqeynta ay Soomaaliya ka fuliyaan.

”Halista inaga soo wajihi karta Islaamiyiinta Somalia ka dagaalama waa mid yar, waxaana duqeymo ku dilnay madaxdii ugu sarreysay marar badan, xilligan waxaa la joogaa markii gabi ahaan aan ciidamadeenan kala soo bixi lahayn Somalia,” ayay warbaahinta gaar ahaan NBC u sheegeen xubnahaas ka tirsan Aqalka Cad ee Mareykanka.

Sidoo kale, saraakiishaas ma aysan sheegin xilliga rasmiga ah ee ciidanka Mareykanka laga saarayo Somalia, balse waxay u muuqataa inay waqti qaadanayso, maadaama weli ay awood yar tahay Dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in ciidammada ka joogo Suuriya uu kala soo bixi doono, kaddib markii uu sheegay inay guul ka gaareytn la dagaalanka Ururka Daacish oo muddo badan ka dagaalamayay dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Ugu dambeyn, Ciidamada Mareykanka ee Jooga Somalia ayaa waxay saldhig weyn ku leeyihiin gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo weerarro cirka ah oo ay ku dileen xubno badan oo Al-shabaab ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya.

PUNTLAND POST