Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed oo Magacaabay Guddi Baaritaan Sameynaya

Baydhabo (PP) ─ Madaxweynaha cusub ee Maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya C/icasiis Lafta-gareen ayaa magacaabay guddi xaqiiqa raadin ah oo baaritaan ku sameynaya rabshadihii dhiiggu ku daatay ee Baydhabo ka dhacay.

Lafta-gareen ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay todobbo xubnood oo midi ay haween tahay oo baara Tacaddiyadii ka dhacay Baydhabo ee ka dhashay soo xiritaankii Mukhtaar Rooboow.

Rabshadihii Magaalada Baydhaba ka dhacay ayaa waxaa ku geeriyooday dad gaaray 15-qof oo shacab ah, kuwaasoo uu ku jiray xildhibaan ka tirsanaa golaha baarlamaanka maamulka Koonfur-galbeed ee dhawaan soo doortay madaxweyne Lafta-gareen.

Rabshadihii ka dhacay Baydhbao ayaa waxaa ku lug lahaa ciidammo badan oo ay Dowladda Somalia u dirtay magaaladaas, waxaana baaritaan kasta oo dhab ah oo dhacdadan lagu sameeyo ay lugaha la gali doontaa ayaga.

Sidoo kale, Waxaa xusid mudan in Dowladda Somalia weli aysan ka hadal, cambaareyn oo aysan weliba ka tacsiyeyn dadkii ku dhintay shaqaaqooyinkii ka dhacay Baydhabo intii u dhexeysay 13-kii illaa 15-kii Bishii December ee sannadkii hore.

Dhanka kale, Wakiilkii QM ee Somalia, Nicholas Haysom ayaa Somalia laga cayriyay kaddib markii Dowladda Somalia uu ka dalbaday inay sharaxaad ka bixiso wixii dhacay Baydhabo oo ay ugu waaweynaaayeen xarigii Rooboow iyo dadkii shacabka ah ee lagu dilay.

Ugu dambeyn, Waxaan cadeyn in Madaxweyne C/casiis Lafta-gareen ay dhab ka tahay baaritaanka uu dalbaday iyo tani ay tahay maaweelo Siyaasadeed oo uu kusoo jiidanayo shacabka Koonfur-galbeed oo ku tirinaya nin laga soo diray Muqdisho oo aan lahayn go’aan siyaasadeed madax-banaan.

Haddaba, AKHRISO: Wareegtada lagu magacabaay Guddiga Baarista;

PUNTLAND POST