Wakiillada Dalalka IGAD ee Somalia oo Wasiir Cawad kala hadlay Eryiddii Danjirhii Haysom

Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, Axmed Ciise Cawad ayaa maanta ku qaabilay Muqdisho danjirayaasha dalalka ku bahoobay urur-goboleedka IGAD ee ka hawlgala Somalia.

Kulankan ayaa intii uu socday wuxuu wasiir Axmed Cawad ka warbixiyay horumarradii ugu dambeeyay ee Somalia ay ku tallaabsato, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, ammaanka, dhaqaallaha iyo bulshada.

Wasiirku wuxuu sheegay in Xukuumadda Federaalka Somalia ay xoojinayso dadaalka ay ugu jirto xaqiijinta nabadda iyo is-fahamka, isagoo dalalka IGAD ku bogaadiyay sida ay u garab-taagan yihiin Somalia oo ah xushmad is dhaafsi si loo dhowro amnigeeda, deganaanshaheeda iyo madax banaanideeda qaran.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadd Somalia ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay garab-is-taagga dadaalka xukuumadda Somalia ee ay kaga dhabaynayso rabitaanka shacabka, isagoo ku nuux-nuuxsaday inay Somalia marnaba aqbali doonin in madax-banaanideeda lagu xad-gudbo.

Isagoo sii hadlaya ayuu wasiirku tilmaamay in ergeyga gaarka ahaa ee QM, Nicholas Haysom uu yahay shakhsi aan Somalia laga rabin, kana shaqayn karin. Taasoo ay ugu wacan tahay buu yiri hab dhaqankiisa ku xad-gudbay madax-banaanida dalka iyo sidoo kale qawaaniinta caalamiga iyo xeerarka dublamaasiyadeed sida ku cad Cahdiga Vienna ee xiriirrada Diblomaasiyadeed.

Ug u dambeyn, Wasiirku wuxuu sheegay in talalabadii ay qaaday Somalia ay ahayd mid lagama maarmaan ah oo looga hor-tagayo xad-gudubyada aan loo meel dayin ee uu ku kacay dajire Haysom.

PUNTLAND POST