Xukuumadaha Somalia iyo Qatar oo Heshiis ku kala Saxiixday Magaalada Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Batroolka iyo Macdanka Dowladda Somalia iyo shirkadda khayraadka macdanta iyo bBatroolka dalka Qatar ayaa maanta heshiis is-af-garad ah ku kala saxiixday munaasabad lagu qabtay Muqdisho

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Somalia, Inj. C/rashiid Maxamed Axmed iyo Abdul Aziz Hamad Al Dulaimi oo madaxa ka ah koox maal-gashadayaasha Qatar oo Muqdisho ku sugan ayaa si wada jir ah u saxiixay is-afgaradka.

Sidoo kale, Wasiir C/rashiid iyo maalgashadayaasha Qadar ka socda ayaa ka wada hadlay dhinacyada wasaaaradda laga caawinayo, waxaana heshiiskan uu qayb ka yahay heshiisyo ay Qatar ku maal-gashanayso Soomaaliya.

Dhanka kale, Dowladda Qatar ayaa waxay horay mashaariic kala duwan ula saxiixatay Somalia, waxaana heshiisyadaas ka mid ahaa kuwo lagu dhisayo waddooyinka isku xira Muqdisho iyo degmooyinka Afgooye iyo Jowhar oo ka kala tirsan Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe.

Ugu dambeyn, Dowladda Qatar ayaa waxay billlowday inay mshaariic kala duwan la saxiixato Dowladda Somalia tan iyo markii Dowladda Imaaraadku ay joojisay mashaariicdii ay wadday Somalia, sababo la xiriira khliaaf soo dhex-galay labada dowladood.

PUNTLAND POST