Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud ee Soomaaliya oo Maanta Xilka la Waregay

Muqdisho (PP) ─ Xaflada ay xilka kula kala Wareegayeen Wasiirkii hore ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Somalia, C/fataax Maxamed Ibraahim (Geeseey) iyo Wasiirka Cusub ee Wasaaraddaas, Cabdi Aadan Hoosoow ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Wasaradda ee Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Somalia, Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiir-u-dowlaha Xafiiska RW Somalia, C/llaahi Xaamud, wasiirro iyo xubno kale.

Wasiirkii hore ee Howlaha guud, C/fataax Geesey ayaa ka hadlay hawlihii ay wasaaraddu qabtay intii uu xilka hayay oo ay ka mid yihiin heshiisyo uu la galay Hay’ado Caalami ah iyo Dowladaha saaxiibka la ah Soomaliya.

Sidoo kale, Wasiirka cusub ee Wasaradda Cabdi Aadan Hoosoow ayaa isna sheegay inuu la imaan doono hufnaan cadaalad iyo hawl-karnimo dhinaca shaqada ah halkaana uu kasii wadi doono hawlaha horyaalla Wasaaradda.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Somalia, Mahdi Guuleed oo u kala wareejiyay xilka Wasiirkii hore iyo Wasiirka cusub ayaa ammaanay shaqadii Wasiirkii hore ee xilkaan baneeyay kuna tilmaamay inuu ahaa mid howlkar ah, Wasiirka Cusub ee Wasaaradda ayuuna ku tilmaamay inuu la imaan doono dar dar gelinta howlaha shaqo ee Wasaaradda.

Ugu dambeyn, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha guud C/rataax Geesey ayaa isku casilay toddobaadyo ka hor rabshadhihii ka dhacay Baydhabo markii la xiray Roobow, isgaoo sheegay in falalkaas ay yihiin kuwo xad-gudub ku ah maamulkaas, nkastoo maalin kaddib la magacaabay wasiirka xilka la wareegay oo isla deegaankaas kasoo jeeda.

PUNTLAND POST