Guddoomiye Yariisow oo sharraxay sababta loo bar-tilmaameedsanayo Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa kormeeray cutubyo cusub oo ka mid noqoyana Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kuwaas oo tababar uu uga socdo garoonka ciyaaraha ee Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in laga sugayo kumannaankan dhallinyarada ah ee u istaagay dalkooda, in ay wax badan ka badelaan amniga magaalooyinka dalka, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho oo waajib gaar ah uu ka saaran tahay qof kasta oo Soomaali ah.

“Cadawgeennu waxa ay Muqdisho u bartilmaameed sanayaan waa maqaamka iyo maamuska ay ku leedahay caalamka, Argagixisada Alshabaab waxa ay cududdooda oo dhan isugu geeyeen sida ay u wax yeelayn lahaayeen Caasimadda shacabka Soomaaliyeed, balse taas uma suurta galeyso inta ay dalkan ku nool yihiin dhallinyaro idinkoo kale ah oo shafka u dhiganaya ilaalinta xasilloonida, nafta iyo hantida shacabkeenna.”

Taliyeha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed oo kormeerkan ku wehelinayay Duqa Muqdisho ayaa ka warbixiyey tirada iyo tayada ciidankan loo diyaarinayo sugidda amniga Caasimadda, isagoona tilmaamay in korjoogteynta iyo ka-warqabka Maamulka Gobolka Banaadir ee Ciidankan uu cadeyn u yahay rajada iyo yididiillada lagu qabo dhallinyartan.

Ugu dambeyn, Dhallinyarada uu la kulmay Guddoomiyuhu ayaa dhankooda soo bandhigay noocyada tababarka ay qaateen iyo himilladooda ku aaddan sugidda amniga Caasimadda, iyagoona Maamulka Gobolka Banaadir uga mahadceliyey booqashadan oo ka tarjumaysa sida Guddoonka Gobolku ay u garab taagen yihiin hay’adaha ammaanka.

PUNTLAND POST