Aqalka Sare ee Baarlamaanka DF oo sheegay inuu hakiyay wada-shaqeyntii Aqalka Hoose

Muqdisho (PP) ─ Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay maanta inay hakiyeen xiriirkii wada-shaqeyneed ee kala dhaxeeyey Golaha Shacabka Baarlamaanka Somalia.

Tallaabadan ayaa timid markii ay isku qabteen arrimo dastuuri ah, oo ay ka mid tahay in dastuurka dhigayo in madaxweynaha saxiixo hindise sharciyeedyada ay soo ansixiyaan labada aqal ee baarlamaanka.

Sidoo kale, Aqalka sare waxaa uu sheegay in mar walbo uu bixinayey dadaal dheeraad ah oo in si wanaagsan u wada shaqeeyaan labadan Gole muddadii labada sano ee uu dhisnaa agolaha.

Dhanka kale, Golaha Aqalka Sare wuxuu qoraal uu soo saaray ku sheegay in qodobbada ay diiddan yihiin ay ka mid yihiin sida loo ansixiyey miisaaniyadii 2017-kii iyo midda 2018, in golaha shacabka uu sharci-darro u adeegsaday magaca baarlamaanka sida matalaadiisa: Midowga Baarlamaannada Afrika (shan xubin), Midowga baarlamaannada carabta(afar xubin), midowga baarlamaannada Islaamka(4 xubin), baarlamaanka IGAD(5 xubin), midowga baarlamaanka adduunka(5 xubin), iyo arrimo kale.

Ugu dambyen, Goluhu wuxuu shaaca ka qaadan in aanu la shaqeyn karin golaha shacabka inta madaxweynaha ka xalinayo arrimaha kor ku xusan.

Haddaba, AKHRISO: Qoraalka kasoo baxay Aqalka Sare ee Soomaaliya;

PUNTLAND POST