Deg Deg: Qarax xoogan oo ka dhacay Muqdisho

Goordhow magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxaa ka dhacay qarax aad u culus.

Jugta qaraxa ayaa si aad ah looga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka xarunta Tiyaatarka qaranka oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya.

Majirto faah faahin badan oo laga helayo qaraxaasi iyo qasaaraha uu geeystay.

Faah faahinta dib kala soco insha allah.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho