Sanad guuradii 75-aad ee aas aaska Booliska oo laga xusayo Muqdisho

Magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta ay ka dhacdo munaasabada dabaaldaga aas aaska ciidamada Booliska Soomaaliya.

Ciidamada Booliska oo ah hooyada ciidamada dalka ayaa la aas aasay 20 -kii December sanadkii 1943.

Munaasaado balaaran oo lagu weeyneeynayo 75- guuradii ka soo wareegtay aas aaska ciidamada  Booliska ayaa ka dhacaya Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya.

Amaanka Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay waxaana la sii xiray wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho.

Madaxda dalka ugu sareeysa ayaa ka qeeybgalaya xafladaha aas aaska ciidamada Booliska.

Xasan Maxamed Samatar Cowke.

Puntland Post Muqdisho