Madaxweynaha Cusub ee Koonfur-galbeed oo loo doortay C/casiis Maxamed Lafta-gareen

Baydhabo (PP) ─ C/casiis Xasan Maxamed [Lafta-gareen] oo ka mid ahaa musharraxiintii u Tartamayay jagada madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Somalia ayaa ku guuleystay doorashadii maanta dhacday Baydhabo waxaana uu helay 101 cod.

Lafta-gareen oo la sheegay inay wadato Dowladda Federaalka Somalia ayaa ku guuleystay cod aqlabiyd ah, waxaana ku codad ahaan ku xigay musharrax Aadan Saran-soor oo ka mid ahaa musharraxiintii la tarmtayay.

Sidaas daraadeed, Guddiga Doorashada maamulka Koonfur-galbeed ayaa ku dhawaaqay in C/casiis Lafta-gareen uu ku guuleystay doorashadii maanta dhacday ee lagu soo xulayay madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed.

Hadal kooban oo uu goobta ka jeediyay, Aadan Madxamed Nuur Saransoor oo ahaa musharraxii ku xiray musharraxa guuleystay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay doorashada sida ay u dhacday, isla markaana uu si gaar ah ugu hambalyeynayo madaxweynaha cusub.

“Waxaan diyaar u nahay inaan la shaqeyno madaxweynaha guuleystay ee C/casiis Lafta-gareen,” ayuu yiri Aadan Saransoor oo ALLE ugu bayay inuu xilka cusub la gabgalo musharraxa guuleystay.

Dhanka kale, Madaxweynaha cusub ee Koonfur-galbeed ee maanta la doortay C/casiis Lafta-gareen oo noqonaya madaxweynihii labaad ee loo doorto hoggaanka Koonfur-galbeed ayaa isaguna hadal uu jeediyay wuxuu ku sheegay inuu u hambalyeynayo xildhibaannadii doortay iyo kuwii aan dooran.

“Waxaan u mahad-celinayaan guddigii doorashada, ciidamadii sugayay amniga guud ee doorashada iyo musharraxiintii saaxiibadey ahaa ee ila tartamay, gaar ahaan Aadan Saransoor oo igu soo xigay dhanka codadka” ayuu yiri Saransoor.

Madaxweynaha cusub ayaa sheegay in maanta Koonfur-galbeed ay heshay madaxweyne daacad ah oo danta dalka iyo dadka ka shaqeyn doona, isla markaana la-wada shaqeeyo maadaama ay dhammaantood guuleysteen.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha la doortay ee Koonfur-galbeed Somalia ayaa goobta lagu dhaariyay, waxaana goob-joog ka ahaa Doorashadan mas’uuliyiin uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha Somalia, waxaa kaloo goobta ku sugnaa madax-dhaqameedka iyo odayaasha Koonfur-galbeed.

PUNTLAND POST