Doorashada Madaxtinimo ee Koonfur Galbeed oo bari ka dhaceeysa Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa bari oo Arbaco ah Taariikhduna ku beegantahay 19-ka Decembar ee sanadka 2018-ka ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ay ka dhacdo doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi.

Doorashadaasi oo dhowr jeer oo hore dib u dhacday ayaa waxa ay ku adkeeysanayaan guddiga doorashooyinka maamulkaasi in bari ay ka dhaceeyso Baydhabo.

Amaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana amaanka sugaya ciidamada Itoobiya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed.

Magaalada Baydhabo waxaa gaaray wafdi ka socdo dowlada Soomaaliya oo goobjoog ka ahaan doonto doorashada madaxtinimo ee maamulka Koonfur Galbeed.

Doorashada ayaa aad u adag lamana sii saadaalin karo cida ku guuleeysaneeyso doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi Koonfur Galbeed.

Waxaa la sii saadaalinayaa in loolanka ugu adag uu dhax mari doono Musharaxa la yiraahdo Xuseen Cismaan Xuseen iyo Lafta Gareen oo labaduba Dowlada Soomaaliya xilal ka soo qabtay.

Waxaa wali Muqdisho ku xiran Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo isagu doorashada aan ka qeeybgaleeynin.

Dowlada Soomaaliya ayaa galaan gal muuqda ku leh doorashada magaalada Baydhabo bari ka dhaceeysa iyada oo taageero siineeysa mid kamid ah musharixiinta tartamaya.

Wararka Doorashada kala soco Puntland Post Insha allah

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho