Khilaafku ceeb maahan ee in aan la xallin karin ayaa ceeba

Inkasta oo dad badan oo Soomaaliyeed marka ay khilaaf maqlaan dhaga barjoobaan, haddana khilaafka aragtida iyo aaraada ku saabsani marna shar maahan, haddaan laga dhigin.

Haddii aynu nahay Soomaali, waxa aynu nahay dad iyo dal burburay. Dalalka nooceena oo kalaana waxay ay maraan heerar iyo maraaxil kala duwan illaa ay cagahooda isaga taagaan. Marxaladaha ay maraan waxaa ka mida: qaran-jab, kala irdhow, isu hilow, colaad ka soo daah, nugeyl iyo qaangaar. Mid walba oo marxaladahaan ka midihi waxa ay u baahantahay sabir iyo siyaasad gooniya.

Iminka waxa aynu ku jirnaa dabayaaqadii isu hilowga iyo bilowgii colaad ka soo daaha, oo ah marxaladda ugu dhibka iyo khatarta badan. Maxaa yeelay dadkii isa soo diley ayaa inta la tolo la isku sidkaa. Si ay isu ogolaadaan na waxaa loo sameeyaa shuruuc iyo qawaaniin kala hagta. Waxaa lagu carbiyaa is dilka inay is naqdin ku badalaan, kabacdina farqigooda xal u helaan. Si himiladaas looga gun-gaaro waxaa la kala dhex dhigaa nabad ilaaliyayaal kala ilaaliya iskuna ilaaliya.

Nabad ilaaliya yaashu waligood lama joogaan, ee xilli go’an ayay leeyihiin. Danleydii dantu ka dhaxaysey ayaa laysaga tagaa kolka la dareemo inay ka gudbeen marxaladdii khatarta, oo ah tobanka sano oo ugu horaysa colaad ka soo daaha (post-conflict). Sidaas oo ay tahay, khatartu halkaa kuma dhamaato. Daraasad ay dhawaan jaamacadda Oxford samaysay ayaa lagu ogaaday in dawladaha colaad ka soo daahaayi 40% ay colaaddii dib ugu noqdaan. Gaar ahaan tobanka sano ee u horaysa.

Inta badan madaxda colaad ka soo daaha oo wax is bidda iyo mucaarad kooda oo aan aqoon xal aan xabbad ahayn, ayaa eedda xasilooni darada dusha looga tuuraa. Bal qiyaas inaga oo aan cidi inagu dhex jirin isna khilaafnay. Maxaynu wax ku xalin lahayn? Kolba mooshin ma noqdeen. Waan hubaa in xabbadi wiifi lahayd. Waxaa quman inta laynagu dhex jiro in aynu barano khilaafka iyo sida loo maareeyo. Haddaba mooshinnadu shar maahan ee waa qayb xalka ka mida. Maxaa yeelay mooshinku waa khilaaf xalkiisuna waa cod ee xabbad maahan.

khilaafka oo lagu xalliyo tab khaldan

Khilaafyadii hore (mooshimo) badanaaba waxaa laga soo abaabuli jirey madaxtooyada. Maadaama ay iyagu hantidii qaranka haystaan waa u fududaan jirtey fulin toodu, xasilooni darona ma keeni jirin. Kan iminka taagan waxaa abaabulay xildhibaano mucaarad ubadan xaqna u leh inay sidaas yeelaan. Qaab dhismeedka dawladdeena looguma tala gelin in madaxwaynaha fudayd lagu rido. Saddex meelood oo labo ayaa laga rabaa cidda wax ridaysa. Way adagtahay xildhibaano mucaaradi inay codkaas helaan. Hadday saas tahay maxay xukuumaddu isu shidaynaysaa may cod mooshinka u qaado? Sidaas ma yeeli karto, maxaa yeelay waxaa aad ula wayn sumacaddooda oo ay muddaba dhisayeen. Maadaama ay iyagu isu arkaan u doodaha iyo wakiilka shacabka, mooshinka iyo dadkiisuba waa cadowga shacabka. Sidaas daraadeed waa in cadowga iyo mooshinkaba lala diriraa. Waa qaab dhaqanka dawladaha xamaas ku dhaladkaa (populist) ee caadifadda caqliga ka hormarsha.

Hadddii miyir jiro xalna waa jiraa

Dawladda iminka jirtaayi waxa ay uga duwan tahay kuwii hore xasaasiyadda ay ka qabto naqdinta. Si aan cidiba u naqdin waxaa loo baxshey dawladdii shacabka. Waxaa dadka la tusay inay tahay tii ugu fiicnayd. Wixii iyada ka horeeyayna waxay ahaayeen danley dalka dhacaysey. Waxaa siyaabo kala gadisan loo hawl galiyey dadyow kala gadisan sida culimo, siyaasiyiin hore, suxufiyiin, abwaano iyo madax- dhaqameed. Dadkaani dhamaantood waxa ay af-hayeen u yihiin xukuumadda. kolka khilaaf ama naqdini ay timaadana waa cidda ugu horaysa ee afka dawladda ku hadasha. Taasi koox way ka farxin kartaa laakiin xal inooma noqon karto.

Haddii aynu rabno inaynu khilaafyada xal ka gaarno inta aynu marxaladda kala guurkaa ku jirno, waa in aynu wax ka badalnaa qaabka aynu ula dhaqanno khilaafka.

Kow, waa in shacab iyo xukuumadba aynu khilaafka aqbalnaa, ogolaanaa, lana noolaanaa. haddii kale waxa aynu noqonaynaa qof buka oo aan ogolayn xanuunkiisa.

Labo, waa in xukuumaddu iska daysaa ladagaalanka ay khilaafka la dagaalamayso. Sida kala jabinta dadka wada jira, kala gadaahada xildhibaanada, u caga juglayntooda iyo ceebaynta khilaafka iyo dadkiisa.

Saddex, dadka fikirka ku khilaafsan waa in aysan xukuumaddu u arag kuna tilmaamin inay yihiin cadow, ee u aragtaa dad qaba aragti tooda ka gadisan.

Afar, waa in aynu fahannaa in magac-xumaynta, bahdilidda iyo u hanjabidda mucaaradku ay tahay halka ay ka bilaabato wax is bididdu, oo ah kobta laga galo dib ugu noqoshada dagaalka sokeeye.

Sidaan horayba usoo sheegnay waxa aynu ku suganahay marxalad colaad ka soo daaha, oo ah halkii loogu talagalay inaynu khilaafka iyo xalkiisaba ku sii barana. Haddii aynu khilaafka ogolaan wayno, xalkiisana baran wayno ama cidi isu aragto inaan iyaga la khilaafi karin amaba dadka loo kala qaybiyo kooxo iska soo horjeeda oo qaar cadow yahay, waxa aynu u gudbi doonaa marxaladda nugaylka (fragile stage) inaga oo aan aqoon sida khilaafka loo xaliyo. Ogow marxaladdaan nabad ilaaliya yaashii ma joogaane. Kolkaas waxa aynu isticmaali doonaa halkii xal ee aynu naqaanay oo ahaa kii aynu horay u eednay.

Qalinkii: Mohamrd Ahmed Elmi