Faysal Cali Waraabe oo ku baaqay in la sii daayo Abuu Mansuur

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Wadani ee Soomaaliland Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay xarigii loo geeystay Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo ah musharax madaxweyne Koonfur Galbeed.

Faysal ayaa sheegay in ay aheyd wax aad looga xumaado falkii ka dhacay Baydhabo.

Waxaa uu ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo Abuu Mansur.“Waan cambaareyneynaa xariga loo geystay muqtaar roobow,waana ka xunahay dadka ku dhintay Magalada Baydhabo,Farmaajo waxa uu wadaa kaligiis talisnimo ee ha joojiyo,sidoo kale waxaan ka dalbanayaa Ciidamada AMISOM inay Soomaaliya isaga baxaan” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Dowlada Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay Muqtaar Rooboow Abuu Manauur.

Xasan Maxamed Samatar Cowke.

Puntland Post