Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray waddanka Qatar oo booqasho rasmi ah ay uga bilaabatay.
Ra’iisul Wasaaraha oo casuumaad ka helay madaxda dalka Qatar ayaa la filayaa in uu mas’uuliyiinta dalkaas la yeesho kulamo ay uga wada hadlayaan xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah.
Mudane Xassan Cali Khayre, Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ka qeyb galaya shirka sannadlaha ah ee madasha Dooxa oo uu sannadkii 2017 uu sidaan oo kale uu uga qayb galay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.