Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Eriteria oo ku soo wajahan Muqdisho

Magaalada Muqdisho maanta oo khamiis ah waxaa ku soo wajahan Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweybaha Eritrea Isaias Afwerki .

Qaban-qaabo balaaran oo lagu soo dhoweeynayo labada masuul ayaa ka socoto Muqdisho.

Amaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana saaka subixii hore la sii xiray wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho.

Imaanshiyaha masuuliyiinta ee Muqdishi ayaa daba socdo wada hadalo iyo kulamo hore oo dhexmaray masuuliyiinta Soomaaliya, Eritera iyo Itoobiya.

PUNTLAND POST