Dowladda Puntland ayaa sheegtay in ay tallaabo ku habboon ka qaadayso malayshiyaadka argagixisada ah ee amni-darrada ku haya magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
War-saxaafadeed ka soo baxay shirkii Golaha wasiirada Puntland ee Khamiista maanta ah ayaa lagu sheegay in dowladdu ay si dhow ula socoto dhaqdhaqaaqa malayshiyaadka dhagar-qabayaasha ah ee dhibaatada ku haya shacabka degmada Boosaaso,islamarkaana tallaabo ku habboon laga qaadayo kooxaha nabad-diidka ah.
Dhinaca kale dowladda Puntland ayaa si buuxda u bogaadisay heshiiskii taariikhiga ahaa ee lagu dhameeyay colaaddii u dhexaysay beelaha walaalaha ee ku dagaallamay degaanka Dhummay ee koonfurta gobolka Sool,kuwaasoo dhowaan lagu heshiisiiyay magaalada Jigjiga ee DDSI.
Golaha xukuumadda Puntland ayaa u mahad-celiyay dowlad-degaanka Soomaalida iyo dhammaan isimadii ka hawlgalay nabadeynta beelaha walaalaha,waxaana xukuumaddu sheegtay in ay fulinayso kaalinta heshiiskan uga aaddan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.