DEG-DEG: Madaxweynaha Ertirea iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo soo Gaaray Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Eritrea Issias Efwerki iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ayaa goor-dhaw soo gaaray Muqdisho, waxaana kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Wafdiga ayaa waxaa xubnihii soo dhaweeyay ka mid ahaa; Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaabi Farmaajo, Ra’iisul wasaare ku xigeenka DF, Mahdi Guuleed iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada xukuumadda Somalia.

Sidoo kale, Wafdiga Madaxweynaha Eritrea ayaa waxaa ka mid ah wasiirro ka tirsan xukuumaddiisa, waxaana booqashadooda ay salka ku haysaa safar uu horay dalkaas ugu tagay madaxweynaha Somalia Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Booqashadan wafdigan oo qaadan doonta laba maalmood ayaa waxaa lagu wadaa in madaxda Somalia iyo Eritrea ay kaga hadlaan iskaashiga ugubka ah ee u dhexeeya labada waddan iyo heshiisyadii horay loogu gaaray dalka Eritrea.

Waa markii ugu horreysay oo Madaxweynaha Eritrea uu soo gaaro Xamar, inkastoo Wasiirkiisii Arrimaha Dibadda uu dhawr jeer Muqdisho soo gaaray, safarradaas oo la sheegay inay gogol-xaar u ahaayeen socdaalka Efwerki uu maanta ku yimid Muqdisho.

Dhanka kale, Wararka ayaa waxay sheegayaan in madax kale oo Afrikaan ah ay imaan doonaan Muqdisho, ayna ku yeelan doonaan shir gaar ah, kaasoo ay kaga hadlayaan horumarka kasoo cusboonaaday dalalka Geeska Afrika ku yaalla.

Haddaba, wixii warar ah ee kusoo kordha safarkan waxaad kula soconaysaan wararka soo socda ee Puntland Post haddii ALLE idmo.

PUNTLAND POST