Gudoomiyaha Baarlamaanka oo si kulul uga hadlay xiritaankii Muqtaar Rooboow

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Amb Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa si kulul uga hadlay xarigii loo geeystay Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in la iskala xisaabtami doono dhibaatadii ka dhacday Baydhabo iyo xarigii Musharaxa madaxweynaha Koonfur Galbeed Muqtaar Rooboow.

“Waan kula xisabtameynaa cidii laheyd qaladkii ka dhacay Baydhabo,laakin waxaan ku baaqayaa in xaalada Magalada Baydhabo la dejiyo oo dagaal kale uusan ka dhicin.” ayuu yiri gudoomiyaha.

Ciidamada dowlada Itoobiya ayaa xiray maanta Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur oo ugu dambeeyntii la keenay Muqdisho.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho