Ol’ole ballaaran oo qashinka loooga nadiifinayo xaafadaha magaalada iyo xeryaha bara-kacayaasha ee ku xeeran, ayaa laga bilaabay caasumadda dowladda Puntland ee Garoowe.
Ol’olaha oo mudda saddex maalmood ah soconaya ayaa waxaa maal-gelinaya mashruuca SHF(Somali humanitarian Fund),waxaana fulinaysa hay’adda World Vision oo kaashanaysa dowladda hoose ee degmada Garoowe.
Ol’olahan ayaa ku jihaysan ilaalinta nadaafadda iyo bilicda degaanka, si bulshada looga badbaadiyo dhibaatada caafimaad ee ka dhalata qashinka iyo wasakhda,islamarkaana loo helo degaan nadiif ah oo lagu noolaan karo.
Agaasimaha waaxda arrimaha bulshada dowladda hoose ee degmada Garoowe,Cabdirashiid Ciise Wayaale(Dabayla-qore) oo halkaasi saxaafadda kula hadlay, ayaa bulshada ku dhaqan caasumadda iyo nawaaxigeeda ugu baaqay in laga wada-shaqeeyo ilaalinta nadaafadda iyo bilicda degaanka.
Sidoo kale Cabdirashiid Axmed Cilmi iyo Sacdiyo Xuseen Xassan oo ka socday hay’adda World Vision oo fulinaysay ol’olahan, ayaa si wadajir ah u sheegay in looga golleeyahay suulinta qashinka iyo ilaalinta nadaafadda degaanka ee as’aaska u ah caafimaadka bulshada.
PUNTLAND POST
Cabdiraxmaan Ciise Cumar
You must be logged in to post a comment.