Dil iyo dhaawac ka dhacay Boosaaso

Magaalada Boosaaso

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa saaka lagu dilay nin ganacsade ah, halka dhaawac loo geystay Aabihiis.

Cabdulqaadir Maxamed Xaaji Saleebaan oo kamid ahaa ganacsatada Boosaaso ayaa kooxo Baaskoolado ku hubaysan dileen, halka Aabihiis oo la joogay dhaawac ka soo gaaray weerarkaas.

Kooxdii dilka iyo dhaawaca geysatay oo aan haybtooda la garan ayaa baxsaday, waxaana dhaawaca Maxamed Xaaji Saleebaan la geeyay Cisbitaalka guud ee magaalada Boosaaso.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa magaalada Boosaaso ka dhacayay dilal loo geystay ganacsato, waxaana la sheegay in ay daba-socdeen diidmo lacago baad ah oo Daacish muddooyinkii dambe ka qaadaysay ganacsatada magaaladaas.

Amniga magaalada Boosaaso ee isha dhaqaalaha Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay sii xumaanayay, iyadoo aysan jirin wax ay ka qabteen maamulka iyo laamaha amniga gobolka Bari.

Kooxo ka tirsan Daacish iyo Al-shabaab oo ku dhuumaaleysta buuraleyda Calmadow iyo Calmiskaat ee gobolka Bari ayaa sanadihii u dambeeyay Boosaaso ku dilay saraakiil ka tirsan dowladda, arday iyo ganacsato.

PUNTLAND POST