Al-shabaab oo weerar ku qaaday duleedka Guriceel

Wararka naga soo gaaraya duleedka degmada Guriceel ee gobolka Gal-gaduud ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi saaka dagaalamayaal Al-shabaab ka tirsan ay soo weerareen.

deegaanku uu weerarka ka dhacay ayaa lagu magacaabaa Dhagxyaale oo qiyaastii 50 KM u jirta degmada Guriceel.

Dadka deegaankaasi ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay saakay subixii hore halkaasi weerar ku soo qaadeen.

Ciidamada Galmudug oo halkaasi ku sugnaa ayaa iska caabin kala kulmay waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus, lama oga khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay.

Wali Galmudug faahfaahin kama bixin dagaalkaasi ka dhacay deegaankaasi Dhagaxyaale.

Puntland PostĀ