Garoonka Mire Awaare oo lagu dhisayo deeq uu bixiyay Midowga Yurub

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda Puntland u fasaxday lacag dhan  $150,000(boqol iyo konton kun oo Dollar) oo kamid ah deeqaha caalamku bixiyo ee la soo marayo xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Puntland ayaa hore uga dalbatay Federaalka in ay soo fasaxan lacagtan oo ahayd  qoondadii Puntland ka heshay deeq-lacageed oo Midowga Yurub ku kaalmeeyo Soomaaliya loona  yaqaan(Surge-support).

Lacagtan ayaa lagu dhisayaa garoonka kubadda cagta ee Mire Awaare oo ku yaall magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland.

Hase yeeshee  warqadda lagu fasaxay lacagtan oo uu ku saxiixanyahay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,Xassan Cali Khayre ayaa lagu sheegay in xukuumadda Federaalku ay Puntland ugu deeqday lacagta,si loogu dhiso garoonka Mire Awaare ee magaalada Garoowe.

PUNTLAND POST