Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa xalay waxaa ka dhacay fal lagu dilay dad rayid ahaa kuwo kalena lagu dhaawacay.

Falkaan dilka ah ayaa waxa uu ka dhacay degmada Kaaraan ee Muqdisho.

3 Ruux ayaa la dilay oo dhamaantood ahaa rag waxaana la dhaawacay labo ruux oo kale oo mid kamid ah ay aheyd ruux haweeyneey.

Falkaasi dilka ahaa ayaa daba socdo is qab qabsi dhul halkaasi ku yaalo oo ay isku heeysteen dadka la dilay iyo ruuxa wax dilay.

Meeydadka sadaxdaaasi ruux ayaa la geeyay xarunta dambi baarista ee CID-da ee Muqdisho.

Maamulka Degmada Kaaraan oo aan la ayaa diiday in ay ka hadlaan falkaasi.

Xasan Maxmed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho