Xildhibaano Gudoonka Baarlamaanka u gudbiyay Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan heleeyno ayaa waxa ay sheegayaan in xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay mooshin ka gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Warka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in xildhibaanada Baarlamaanka ay mooshinkooda ay u gudbiyeen gudoomiyaha Baarlamaanka Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Xog-ta aan heleeyno ayaa waxa ay sheegayaan in gudoomiyaha Baarlamaanka uu aqbalay mooshinkaasi ay u soo gudbiyeen xildhibaanada Baarlamaanka.

94 Xildhibaan ayaa la sheegay in ay soo gudbiyeen mooshinkaasi ka dhanka ah madaxweyne Farmaajo.

Goordhow oo caawa ah ayaa lagu wadaa in ay warbaahinta la hadlaan xildhibaanadaasi mooshinka ka gudbiyay madaxweyne Farmaajo.

Arintaasi ayaa waxaa ay sii hurineeysaa qilaafkii ka dhex jiray madaxda sare ee dowlada Soomaaliya.

Faah faahinta dib kala soco Insha allah

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho