Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isilwasaare Kheyre oo kulan deg deg ah leh

Warar hadda naga soo gaaraya madaxtooyada Villa-Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in kulan deg deg ah uu hadda u socdo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isilwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Kulankaasi ayaa waxaa looga hadlayaa arimaha soo kordhay oo ku aadan mooshinka laga soo gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Lagama heli karo xog faah faahsan hayeeshee ilo xog-ogaal ah ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isilwasaare Kheyre ay aad uga hadlayaan arimahaasi iyo waxa laga yeelayo.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo gudbiyay mooshin ka dhan madaxweynaha Soomaali Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Lama oga halka ay ku dambeeyn doonto mooshinkaasi laga soo gudbiyay madaxweyne Farmaajo.

Faah faahinta dib kala soco Insha allah 

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho