Komaandoosta Soomaaliya oo weerar ka fuliyay Gobolka Sh/Hoose

Ciidamo katirsan Kumaandoosta Soomaaliya oo ay wehlinayeen Ciidamo Mareykan ah ayaa waxay weerar qorsheysan ka fuliyeen Gobolka Sh/Hoose.

Howlgalkaan ayaa waxaa la sheegay in lagu beegsaday Guri ay ku shirsanaayeen Saraakiil katirsan Al Shabaab Oo Kusugnaa Deegaanka Basra,Kumaandoosta ayaa la sheegay inay wateen Diyaarad Nuuca Qumaatiga ukacda ah.

Waxaa Adag in Xog badan laga helo sida ay wax udhaceen iyo khasaaraha ka dhashay balse waxaa la xaqiijiyey in weerarka Qaar ka mid ah Xubnaha Al Shabaab iyagoo nool lasoo qabtay.

Guriga la weeraray shirkana uu ka socday waxaa iska lahaa Gudoomiyaha Al Shabaab Ee Deegaanka Basra ugu magacaaban oo la yiraahdo Macalin Daahir,Saraakiisha Al Shabaab ayaan weli faah faahin soo saarin.

Tuulada Afyaraani Kore Ayaana la yiraahdaa Tuulada ay wax ka dhaceen oo Hoostagta Deegaanka Basra Ee Xadka Labada Gobol Sh/Hoose iyo Sh/Dhexe.

Taliska Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya Ee Dallaayadaha ku booda ayaan ka warbixin howlgalkaasi iyo waxa lagu qabtay.

Sikastaba ha ahaatee waxaa lasoo warinayaa in Ciidamo Badan oo Al Shabaab ah ay Saaka gudaha ugaleen Basra,taas oo aan la ogeyn waxa ay damacsan yihiin.

PUNTLAND POST