Khilaafka u dhaxeeya madaxda sare ee dalka oo cirka isku sii shareeray

Waxaa cirka isku sii shareeraya khilaafka u dhaxeeya madaxda sare ee dowlada federaalka Soomaaliya.

Khilaafkan ayaa ka dhashay kala diristii guddiga Maaliyada Baarlamaanka Soomaaliya uu shalay ka soo horjeystay Gudoomiyaha maarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Afhayeenka Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa diiday dalab ugu yimid Madaxda dalka ugu sareysa oo ah in uu aqbalo kala diristii guddiga Maaliyada.

Kulamo waqtiyo badan qaatay ayaa xalay ka dhacay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho oo u dhaxeeya guddonka Golaha shacabka ,Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha.

Ilo-xog ogaal ah oo ay heleyso Puntland Post ayaa sheegaya in kulamadaasi ay isku fahmi waayeen madaxda sare ee dalka islamarkaasina natiijo la’aan uu ku soo dhamaaday.

Warar hadda soo baxaya ayaa iyana sheegaya in masuuliyiinta guddonka Golaha shacabka qaarkood ay hadda u yeerayaan saxaafada si ay ugala hadlaan khilaafkaan soo cusboonaaday.

Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka soo horjeeystay kala diristii guddiga Maaliyada Baarlamaanka, waxaana uu sheegay in ay aheyd mid sharci daro ah, islamarkaasna waxa uu faray guddigaasi ay shaqadooda sii wataan.

PUNTLAND POST