Indha Qarshe “Naxariisti wey naga dhamaatay Shabaab waa in ay Dareemaan Xanuunka Geerida.”

Taliyaha ciidamada Milatariga Soomaaliya General Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe oo wariyaasha kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in ay bilaabeen weeraro ay ku qaadaan Al-Shabaab.

Indha Qarshe ayaa ciidamada dowlada ku amray in ay toogtaan oo aanay xabsiga u taxabin saraakiisha iyo askarta Al-shabaab.

Taliyaha ciidamada ayaa sheegay in ay naxariistii ka dhamaatay hadda wixii ka dambeeyana howlgalo lagu baacsanayo Al-shabaab ay bilaabayaan.

Waxaa uu sheegay in ay ka xunyihiin ay toogtaan dhalinyarada uu sheegay in Al-shabaab marin habaabiyeen hayeeshee hadda ay dantu ku kaliftay isaga oo sheegay in Al-shabaab sii wadaan dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan.

Dowlada Soomaaliya ayaa isku diyaarineeysa weeraro saf balaaran ah oo ay ku qaadayaan fariisimaha Al-shabaab ay kaga suganyihiin ee gobolada dalka Soomaaliya.

Hoos ka dhageeyso Codka

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho