Gudoomiye ku xigeenada Baarlamaanka oo ka horyimid Mooshinka madaxweyne Farmaajo

Gudoomiye ku xigeenada Baarlamaanka Soomaaliya oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka soo horjeeystay mooshinkii laga soo gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiwali Ibraahim Muudeey iyo gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdala Cawad ayaa sheegay in uu sharci daro yahay mooshinkaasi.

Gudoomiye ku xigeenada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in gudoomiyaha Baarlamaanka ay u sheegeen in xiligaan aan loo baahneyn mooshin islamarkaasina loo baahanyahay in mooshinkaasi laga fiirsado.

Waxa ay sheegeen in gudoomiyaha uu ka biyo diiday taladoodii islamarkaasina uu go’aan si iskiis ah uu u gaaray oo uusan matalin gudoonka Baarlamaanka.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mooshin ka soo gudbiyay gudoomiyaha Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulamo iska soo horjeedo ayaa caawa ka socdo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo ay leeyihiin Xildhibaano iyo masuuliyiin dowlada katirsan.

Hoos ka Dhageeyso Codadka Gudoomiye ku xigeenada Baarlamaanka

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho