Ganacsade caan ah oo goordhow lagu dilay Muqdisho

Koox hubeeysan ayaa goordhow Muqdisho ku dishay ganacsade caan ah oo kamid ah ganacsatada magaalada Muqdisho.

dilkaan ayaa waxa uu ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya gaar ahaan Ex-Contorol Afgooye.

Koox hubeeysan ayaa dishay allaha u naxariistee Cabdi Cismaan Afrax oo loo yaqaano (Cabdi Biifane) oo ahaa ganacsade baabuurta ay u soo dagi jirtay.

Kooxda hubeeysan ayaa dishay ganacsadahaan xili uu ku sugnaa gurigiisa iyada oo rasaasta ay ku dileena ay ku dhaawacantay gabar yar oo uu dhalay marxuumka.

Sidoo kale kooxdii hubeeysaneyd ee dilka geeystay ayaa qaatay gaari Proda ah uu lahaa marxuumka ay dileen.

Durba kooxdii dilka geeystay ayaa isaga baxsatay goobta ay ku dileen marxuumka waxaana durba soo gaaray goobtaasi askari katirsan ciidamada dowlada oo howlgalo ka sameeyay.

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheeysan oo loo geeysto shacab iyo xubno la shaqeeya dowlada Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

puntland Post Muqdisho