Jubbaland oo aqbashay wada hadal ay la gasho dowlada dhexe

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in uu aqbalay wada hadalo iyo kulamo uu la yeesho dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Arintaasi ayaa ka dambeysay, kadib markii ay Kismaayo gaareen wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha aqalka sare ee Baaralamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay wariyaasha ayaa sheegay in Jubbaland ay aqbashay wada hadalo ay la yeelato dowlada Dhexe ee Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in ay fashilmeen dadaalo hore oo la doonayay in ay kula hadlaan dowlada, hayeeshee dadaalkaan uu wado aqalka sare ay taaageerayaan in uu miro dhalana ay sugayaaan.

Wali waxaa magaalada Kismaayo ku sugan wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha aqalka sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo halkaasi u tagay xalinta khilaafaadka u dhaxeeyo dowlada dhexe iyo kuwa maamul Goboleedyada.

PUNTLAND POST