Musharixiin iyo qaar kamida guddigii uu magacaabay Camey oo kasoo horjeestay talaabada uu qaaday

Wararka ka imaanayaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegayaa in qaar kamid ah xubno uu magacaabay madaxweyne ku xigeenka Puntland ay ka soo horjeesteen magacaabistaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar ayaa xalay magacabay xubno uu ku sheegay guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka,isagoo ka hor yimid guddigii uu shalay magacaabay madaxweyne Gaas.

Magacyada 8 xubnood oo Camey magacaabay ayaa waxaa ku jira Nabaddoon Khaliif Awcali,waxaana wararka haatan ka imaanaya Garoowe ay sheegayaan in Nabaddoonku uu mar dhow shir jaraa’id halkaasi ku qaban doono,isagoo ka horjeesan doona magacaabista Camey.

Sidoo kale ilaa 3 xubnood oo ka tirsan guddiga uu magacaabay mudane Camey ayaa la soo sheegayaa in ay diideen,waxaana la filayaa in ay saxaafadda la hadlaan.

Dhanka  kale sida ay u xaqiijiyeen qaar kamida Musharixiinta u ordaaya madaxtinimada Puntland waxay si aada uga carroodeen talaabada uu qaaday Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Eng Cabdullaahi Cumar Camey, musharixiin la hadlay PUNTLAND POST ayaa talaabada Eng Camey ku tilmaamay qalad lagu saxay qalad kale, waxayna intaas ku dareen inaysan arintani dhaawici doonin Dawladnimada Puntland.

Qaar kamida Dadweynaha Puntland oo illaa xalay xiriiro kala duwan lasoo samaynaayey Warbaahinta PUNTLAND POST waxay ku tilmaameen talaabada Madaxweyne Ku-xigeenka mid lagu deg-degay oo wax u dhimi karta wadajirka iyo Dawladnimada Puntland, waxayna ugu baqeen umadda Puntland inay u midoobaan wadajirkooda xiligan kala guurka.

Talaabada uu qaadey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa daba joogta guddi u badan xubnaha Dawlada iyo shaqsiyaad ka ag-dhow oo uu Madaxweyne Gaas u magacaabay guddiga xalinta khilaafaad baarlamaanka cusub.

Wixii ka soo kordha kala soco PUNTLAND POST