NISA “Waxaan qabanay shabaab qaraxyo maleegayay”

War ka soo baxay hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay qabteen sarkaal katirsan Al-shabaab oo abaabulayay qaraxyo uu ka geysto Muqdisho.

NISA oo war kooban soo saartay ayaa ku sheegtay in ay si farsamaysan u qabatay sarkaalkaasi, islamarkaasina uu san dhiig ku daadan.

“Ciidanka amniga ayaa si xirfadeysan oo aan cidi wax ku noqon, gacanta ugu soo dhigay dhagarqabe Al-shabaab ah oo maleegayay qaraxyo uu ku galaafto nolosha shacab badan” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay NISA

Hay’adda NISA ayaa howlgalo ka wado magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kuwaasi oo ay kaga hortageyso weeraro Al-shabaab ay ka gestaan Muqdisho.

PUNTLAND POST