Agaasime Idaacadeed oo ku dhaawacmay Qarax loogu xiray Gaarigiisa

Waxaa Goordhow magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya Qarax gaarigiisa loogu xiray mid kamid ah agaasimayaasha idaacada Muqdisho.

Ismaaciil Sheekh Khaliif oo ahaa Agaasimaha idaacada maxaliga ah ee HIDDo ayaa dhaawac culus ka soo gaaray miino loogu xiray gaarigiisa wadda Makka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Ismaaciil Sheekh Khaliif ayaa sidoo kale ahaa agaasimaha hay’ad u dooda xuquuqda wariyaasha.

Majirto cid sheegatay masuuliyada qaraxa loogu xiray gaarigiisa Agaasimahaan waxaana dhaawiciisa la jiifiyay mid kamid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Faah Faahinta dib kala soco Insha allah

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho