Puntland: Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Golaha Wakiilada oo la magacaabay

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxmed Cali Gaas ayaa maanta magacaabay Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Golaha Wakiilada.

Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Golaha Wakiilada Puntland ayaa ka kooban siddeed xubnood oo dhamaantood rag ah.

Magacyadda Guddiga

1- Caaqil Cismaan Ismaaciil Barre (Guddoomiye)

2- Maxamed Cabdikariin Maxamuud

3- Burhaan Maxamuud Cilmi

4- Caydaruus Axmed Faarax

5- Axmed Cali Cabdullaahi

6- Maxamed Abshir Garaad Maxamed

7- Xaaji Xuseen Cali Xasan

8- Maxamed Cabdiqaadir Cismaan (Xoghayn)

Xeerkan ayaa la sheegay in loo cuskadey xeerarkii horay loogu magacaaabi jiray Guddigan, sidoo kale laguma xusin in wax talo ah la weydiiyey musharixiinta Puntland iyo cid kale.

PUNTLAND POST