Guddi ka Socda Midowga Afrika oo shir gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Jubbaland

Kismaayo (PP) ─ Kulan looga hadlay Ammaanka maamul-goboleedka Jubbaland oo ay ka qayb-galeen xubno ka socday ururka Midowga Afrika ayaa maanta ka dhacay magaalada Kismaayo, waxaana goob-joog ka ahaa mas’uuliyiinta Jubbaland oo uu ugu horreeyo madaxeyne Axmed Madoobe.

Kulankan oo ah mid dhawrkii biloodba mar la qabto ayaa xunihii AMISOM ee ka qayb-galay ka mid ahaa; Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia, Francisco Madeira iyo Mas’uuliyiin kale oo kasocday hawl-galka Midowga Afrika ee Somalia.

Intii uu kulanku socday ayaa waxaa looga hadlay xaaladda amni ee heer Dowlad-goboleed, xoraynta deegannada iyo Qaabeynta hawl-gallada dhanka ka ah Al-shabaab iyo sidii dhammaan dhinacyada ay khusayso ay doorkooda u soo bandhigi lahayeen iyo natiijada isla-falgalka dhinacyada hawl-gallada amniga kala shaqeeya maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Madoobe] oo intii uu kulanku socday la hadlay mas’uuliyiintii shirka fadhiyay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu sharraxaad ka siiyo guddigan hawl-gallada ka socda Jubbaland sida amniga iyo la dagaalanka Al-shabaab.

“Jubbaland waxaa ka go’an inay deegaannadeeda ka xoreyso Al-shabaab, bales ay doonayaan inay gacan muuqata lagu sidii kooxaha dagaallada wada looga saari lahaa deegaannada ay ku sugan yihiin,” ayuu yiri Madoobe.

Sidoo kale, Danjire Francisco Madeira ayaa Jubbaland ku ammaanay sida ay uga go’an tahay xasilloonida iyo nabadeynta deegaanadooda iyo guud ahaan Somalia, isagoo xusay inay door mhiim ah kaga jirto dhismaha hannaanka nabad-galyo iyo hormar ee guud ahaan dalka.

Ugu dambeyn, Guddiga ka socda Midowga Afrika ayaa waxaa lagu wadaa inay booqashooyin noocan oo kale ah ku bixiyaan qaybo ka mid ah gobollada dalka, iyagoo warbixinta ay ururiyaanna u gudin doona Guddiga Ammaanka iyo Nabad-galyada ee Ururka Midowga Afrika.

 

PUNTLAND POST