Camey oo isna magacaabay guddiga khilaafaadka

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar(Camey) ayaa isna magacaabay guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta ee Baarlamanka.

Qoraalka caawo ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka ayaa lagu magacaabay guddiga oo ka kooban 8 xubnood.

Arrintan ayaa daba socota khilaaf ka dhex abuurmay madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa oo ku saabsan magacaabista guddiga xallinta khilaafaarka ee Golaha waliilada.

Mudane Gaas ayaa maanta dikreeto uu soo saaray ku magacaabay 8 xubnood oo guddiga xallinta Khilaafaadka,hase yeeshee waxa magacaabista diiday Eng Camey oo sheegay im aan lagala tashan.

Sidoo kale qaar kamid ah musharrixiinta ayaa shirar is-daba joog ah ka yeelanaya jawaabta ay ka bixinayan magacaabista oo ay saluugsan yihiin,inkastoo aysan weli fal-celin ka soo saarin.

PUNTLAND POST