Madaxda sare ee ONLF oo Jigjiga ku wajahan

Garoonka Bole international Airport ee magaalada Addis Ababa ayaa waxaa haatan ka soo duulay  madaxda ugu sarraysa Jabhada Wadaniga xoraynta Ogaadeniya (ONLF) iyagoo ku wajahan magaalada JigJiga ee Xarunta dowlad  Degaanka Soomaalida.

Hoggaanka Jabhada ONLF ayaa waxaa safarka  ku weheliya madaxda ugu saraysa ee dowlad degaanka Soomaalida, iyo marti xildhibaano ah oo ka socda dalka Kenya waxaana wadooyinka garoonka iyo waliba garoonka kubada cagta ee magaalada Jig jiga kusii sugaaya shacabka aad u badan oo u diyaarsan soo dhowaynta madaxda ONLF.

Magaalada jig jiga ayaa waxaa si wayn looga dareemayaa imaatinka madaxda JWXO waxaana meel walba oo magaalada kamid ah lagu xardhay Astaamaha ururka iyo sawirrada madaxdiisa.

PUNTLAND POST