Hoggaanka Ururka ONLF oo Maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Jigjiga


Jigjiga (PP) ─
Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha ururka ONLF ee dalka Itoobiya ayaa gaaray maanta Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad-deegaanka Soomaalida-Itoobiya, halkaasoo ay kusoo dhaweeyeen shacab iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka DDSI.

Xubnaha wafdigan ayaa waxaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyay Addis Ababa oo ah xarunta dalka Itoobiya, iyadoo shacabkii maanta Jigjiga kusoo dhaweeyay ay qaadayeen heeso kala duwan.

Sidoo kale, Waddooyinka Jigjiga ayaa lagu sharxay Calammada DDSI iyo kan Jabhadda ONLE, waxaaa lagu wadaa in wafdigan ay kulamo kala duwan ay la qaataan mas’uuliyiinta dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Dhawaan ayay ahayd markii boqollaal ka tirsan ciidanka Jabhadda hubeysan ee ONLF ay gaareen magaalada Jigjiga, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay, waxaana ciidamadii ku laabtay magaaladaas ka mid ah gabar ka tirsan ONLF oo iyada iyada iyo ninkeedii ay kala maqnaayeen in ka badan 10 sannadood.

Ururka ONLF, ayaa in ka badan 20-sano dagaal kula jiray dowladda Itoobiya, waxayna u dagaallamayeen in Gobolka Soomaalida uu madaxbannaani ka qaato Itoobiya inteeda kale.

Dhanka kale, Dowladda Itoobiya ayaa Jabhadda ONLF dhawaan ka saartay liiska argagixisada si loo ambaaqado dib u heshiisiinta, nabadda iyo weliba is-beddelada ka socda dalkaas.

Ugu dambeyn, Ururka ONLE ayaa waxaa deegaannada Soomaalida Itoobiya waxaa looga yaqaannaa UBO, iyadoo carruurta deegaannadaas lagu cabsi-gelin jiray jabahadda, balse haatan ayaa lagu wadaa in wixii hore isbedello lagu sameeyo.

PUNTLAND POST