Dowlada Soomaaliyta” Waxaan Dilnay Saraakiil iyo Dagaalamayaal Al-shabaab ah”

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dishay saraakiil sar sare oo katirsan Al-Shabaab iyo ciidamo ay wateen.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal lagu fuliyay gobolka Baay lagu dilay saraakiil iyo ciidamo Al-Shabaab katirsan

Warsaxaafadeedka ayaa sidan u qornaa:-

Ciidamada Qaranka oo Gacan Ka helaya saaxiibo Caalami ah ayaa hawlgal Qorshaysan Ka fuliyay Gobalka Baay.

Hawlgalkaan oo dhacay 30 November 2018 waxaa lagu beegsaday Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Ka tirsan Shabaab oo Ku hawlanaa Falal argagixiso.

Waxaa lagu dilay hawlgalka Sagaal Ka tirsan Shabaab oo isugu jira Horjoogayaal iyo maleeshiyaad mana jirto waxyeelo soo gaartay shacabka.

Dawladda Soomaaliya oo gacan Ka helaysa Saaxiibadeed waxeey dadaal ugu jirta wiiqista Alshabaab, si looga hor istaago waxyeelada Shacabka oo ay Ku caanbaxeen.

Hawlgalkaan wuxuu daba socdaa Hawlgaladii Gobalka Mudug ee lagu Kala cayriyay Alshababkii joogay nawaaxigaas, taas oo ay Ku diirsadeen Shacabka ay xoogga Ku haysteen.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho