AKHRISO: Doorashada Koonfur Galbeed oo markale dib loo dhigay

War deg deg ah oo hadda naga soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in markale dib loo dhigay doorashadii madaxtinimo ee maamulkaasi.

Guddiga doorashooyinka maamulkaasi oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay Baydhabo ayaa sheegay in doorashada dib loo dhigay.

Guddiga ayaa sheegay in doorashada madaxtinimo ee Koonfur Galbeed la qaban doono 19 December ee bishaan sanadka sii dhamaanaya ee 2018-ka.

Waa markii saddexaad oo doorshada madaxtinimada Koonfur Galbeed ay dib u dhacdo, markii ugu dambeysay waxaa la qorsheeyay 5-ta December 2018.

Hoos ka Aqriso Warqad ay soo saareen guddiga

PUNTLAND POST