Todobaadka Dhaqanka Soomaalida oo markii ugu horreysay lagu qabanayo Mandheera

Mandheera (PP) ─ Magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari Kenya waxaa ka socda qaban-qaabada bandhigga toddobaadka dhaqanka guud ee Soomaalida oo magaaladaas ay marti-gelin doonto dhawaan.

Bandhiggan, ayaa lagu marti-qaaday dhammaan bulshada ku hadasha afka Soomaaliga, si ay ugu dabaal-dagaan isla markaana ugu muujiyaan hiddaha iyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed.

Madaxa maamulka waxbarashada iyo dhaqanka Mandheera, Cisuddiin C/llahi ayaa sheegay inay qaban-qaabadu marayso meel wanaagsan, wuxuuna ku daray intaas inay sameeyeen qorshayaal ay ugu talo-galeen inay xafladu ku dhacdo si nabad-galyo ah.

Sidoo kale, mas’uulkan ayaa sheegay inuu bandhiggaan u furan yahay gabi ahaan qaybaha kala duwan ee shacabka ku hadasha Af-Soomaaliga, si ay wax ugu bartaan dhaqankooda dalxiisayaasha iyo martida kaleba.

Guddoomiyaha Ismaamulka Mandheera, Cali Roba oo isaguna hadlay ayaa sheegay inay Mandheera kusoo dhaweynayaan Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Geeska Afrika.

“Waxaan ku casuunnay qof kasta inuu bandhigan kasoo qayb-galo, si uu u barto dhaqankeenna, taasina waxay xasuusin doontaa jiilalka cusub dhacdooyinkii qarniyo hore, taasoo muhiim u ah  ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Cali Roba.

Ugu dambeyn, Munaasabaddan ayaa lagu soo bandhigi doonaa Taariikhda ummadda Soomaaliyeed, sugaan kala duwan iyo cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka ee ay caanka ku yihiin Soomaalida.

 

PUNTLAND POST