MURSAL: Baydhabo Ciidamo uma baahna ciddii ciidan geysana iyadaa lagula Xisaabtamayaa

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka hadlay doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed, isagoo kasoo horjeestay in ciidamo laga qaado Muqdisho la geeyo Baydhabo.

Mursal oo kasoo jeeda deegaannada Koonfur-galbeed ayaa sheegay inaan loo baahnayn in ciidammo kale la geeyo Baydhabo cidii geysana wax laga weydiin doono wixii qalalaase ah ee ka dhaca degmadaas.

“Deegaanka waxaan u  malaynayaa in ciidammo suga amniga oo  ku filan ay joogaan, gaar ahaan ammaanka Doorashada wax kaloo dheeri ah ciddii ku darta iyadaa lagula xisaabtami doona,” ayuu yiri Mursal oo jooga Turkiga.

Wareysi uu Mursal siiyay VOA-da ayuu ku sheegay inuu aaminsan yahay in doorashada madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed lagu wado inay dhacdo 05-ta December. Wuxuuna yiri. “Waxaan rabnaa in doorashada si cad ay u dhacdo waxaan la hadlay ku-simaha madaxweynaha guddiga doorashadana waa joogaan.”

Sidoo kale, Mar wax laga weydiiyay in xukuumadda Soomaaliya ay wadato musharax gaar ah, ayuu sheegay inuusan ogeyn musharax gaar ah oo ay dowladdu wadato.

Mar wax laga weydiiyay musharraxnimada Sheekh Mukhtaar Roobow ayuu yiri; “Muqtaar Roobow waa muwaadin Soomaaliyeed dowladda Somalia ayaa la gashay heshiis, iyadaa keentay Muqdisho xerada nabad-sugidda ayuuna deggenaa, ogaal la’aanna Baydhabo kuma tegin, musharax ayuu noqday shahaadana waa la siiyay xaq ayuu u leeyahay inuu u tartamo. Dowladdu haddii ay ujeedo kale ka leedahay sanad ka badan Muqdisho ayuu joogay.”

Dhanka kale, Mar wax laga weydiiyay inay tallaabo qaadi karto Dowladda FS taasoo ay doorashada uga joojinayso Sheekh Mukhtaar Roobow, ayuu kaga jawaabay inaysan Dowladdu qaadi karin tallaabo noocaas ah.

“Waa khalad in Dowladda Somalia ay fara-geliso musharraxnimada xilligaan ee Mukhtaar Roobow, waayo wuxuu ka mid yahay xubnaha faraha badan ee u ordaya xilka,” ayuu yri Maxamed Mursal oo muujiyay in fara-gelinno lagu wado xilligan doorashada lagu wado inay toddobaadka soo socda ka dhacdo Baydhabo.

Hadalkiisa ayaa wuxuu imaanayaa xilli ciidammo fara badan oo la sheegay inay yihiin booliis maanta la geeyay Baydhabo, kuwaasoo la sheegay inay sugi doonaan ammaanka guud ee Baydhabo inta ay socoto doorashada la filayo inay dhacdo bisha soo socota, inkastoo xildhibaanno fara badan ay kasoo horjeesteen ciidamadaas.

Ugu dambeyn, Xiisad ayaa laga soo sheegayaa magaalada Baydhabo, taasoo ka dhalatay ciidamadii maanta la geeyay Baydhabo, kuwaasoo ay dowladdu sheegtay inay ka shaqeyn doonaan amniga doorashada lagu wado inay ka dhacdo Baydhabo.

PUNTLAND POST